Deni oo si adag uga hadlay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga soo horjeestay go’aannadii dhawwaan kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Siciid Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uusan qeyb ka aheyn shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waliba go’aannadii kasoo baxay,  waxa uuna xusay in shirarkii hore iyo kanba uga baaqsaday in uu arkayay in dalka jiho qaldan loo wado.

“Dastuurka Puntland waxaa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo, Puntland qayb kama ahan go’aanadii soo baxay, kuwii hore waxaa uga baaqsanay oo aan u saxiixi weynay waxaan aragnay in dalka meel qaldan loo wado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Deni oo ka hadlay go’aanka lagu baabi’inayo Ra’isul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh uu markii hore qaatay awoodii Ra’isul Wasaaraha uu meesha ka saaray, haddana uu doonayo in gabi ahaan la baabi’iyo Ra’isul Wasaare.

“Sida uu Madaxweynuhu u dhaqmayay waa arkeynay wuxuu awal baabi’iyay awood qeybsigii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo awoodihiisa uu qaatay, haddana wuxuu yiri maba jiro Ra’isul Wasaare” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa horey uga baaqsaday in uu ka qeyb galo shirarkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga Qaran, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo madaxweynaha, waxa uuna diiday go’aannada shirarkaasi kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –