Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Turkiga oo gaaray Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT, Ibrahim Kalin ayaa lagu warramaya inuu maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kalin ayaa kula kulmi doono Muqdisho Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo hoggaanka sare ee dalka oo ay wada-hadallo ka yeelanayaan iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo amniga.

Turkiga ayaa hadda ah dalka iskaashiga ugu sarreeya ee dhinaca ammaanka ah ay Soomaaliya la leedahay, marka laga soo tago inuu Turkiga tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, wuxuu sidoo kale door weyn ku leeyahay la-dagaallanka al-Shabaab, oo ay si joogta ah uga qaybqaataan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

PUNTLAND POST