(Sawirro) Ciidanka Macawisley oo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab

Ciidamada degaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka al shabaab ee gobolkas.

Ninkan oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa sahanka iyo sirdoonka al shabaab ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka  Mudug ka dib markii au baacsadeen ciidamada.

Ciidamada fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkaan waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee ka howlgala aagga deegaanka Bacaadweyne.

Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa ururinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas sida ay sheegeen saraakiisha.

– Advertisement –






Previous articleNin hubeysan oo lix qof ku dhex dilay masajid ku yaalla gobolka Herat