Dayuurad rakaab ah oo ku dhacday harada Victoria & dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Diyaarad siday 39 rakaab ah iyo shaqaale oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku burburtay harada ugu weyn Afrika ee Victoria sida ay sheegtay dowlada Tanzania.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay caasimadda ganacsiga ee Dar es Salaam iyadoo ku sii jeedday garoonka diyaaradaha ee magaalada Bukoba.

Meydadka 15 qof ayaa laga soo saaray harada Victoria ka dib markii ay hafteen biyaha

Sidoo kale 26 ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda, waa la badbaadiyay oo isbitaal loo qaaday, ayaa lagu yiri bayaan. “Weli ma xaqiijin karno tirada dhimashada ee  goobta shilku ka dhacay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada, iyadoo sidoo kale 4 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ay saarnaayeen.

Dayuuuradan oo nooceedu ahaa PW 494 ayaa waxaa laheyd shirkadda Precision Air, oo ah shirkadda ugu weyn Tansaaniya ee sida gaarka ah loo leeyahay.

“Waxaan ku guuleysanay inaan badbaadino tiro dad ah,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Kagera William Mwampaghale oo ka mid ah saraakiisha samata bixinta.

“Markii ay diyaaraddu ku jirtay qiyaastii 100 mitir (328 cagood) hawada, waxay la kulantay dhibaatooyin iyo cimilo xumo. Roob ayaa da’ay diyaaradduna waxay ku dhacday biyaha,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –