Laba Sabab Oo Ayna Arsenal Ugu Dhaqaaqin Saxiixa Youri Tielemans Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa suuqa ka baxday iyaga oo aan wax saxiix ah samayn maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Aston Villa ee Douglas Luiz.

Gunners ayaa xagaagii oo dhan lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liecster City kaas oo ay doonaysay in ay ku xoojiso khadka dhexe ee kooxda.

Marka la eego in heshiiskiisa Leicester City dhici doono xagaaga dambe Arsenal ayaa la filayay in ay sugayso maalinta ugu dambaysa ee suuqa xagaaga si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Tielemans.

Laakiin Arsenal ayaan wax talaabo ah u qaadin saxiixa Tielemans Maalintii ugu dambaysay ee suuqa inkasta oo kaliya lagu helayay lacag dhan 25 milyan oo euro.

Wargayska The Athletic ayaa sheegay in ay laba sabab ka dambayso in ayna Arsenal u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Tielemans maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in wal-wal ay Arsenal ka qabtay awooda jidh ahaaneed iyo in uuna ku fiicnayn difaacashada in ay sabab u tahay in ayna Arsenal u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Tielemans maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.