Baarlamanka Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxkamadda dastuuriga ah

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ku laashay mudda kororsigooda.

Qoraal ka kooban saddex bog oo uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayuu ku diiday go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ee burisay mudda kororsiga.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu ka hor-imaanayo qodoba dastuuri ah islamarkaana uu yahay mid sharci-darro ah oo aan wax micno sharci ah ku fadhin.

Tallaabada guddoonka ayaa soo baxday kadib markii maanta golaha wakiiladu isku mari waayay dood uu ka yeeshay jawaabta laga bixinayo go’aanka maxkamadda.

Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa shalay burisay mudda kororsi hal sano ah oo uu samaystay Baarlamanka Puntland kadib codsi maxkamadda uga yimid dhinaca xukuumadda.

PUNTLAND POST