Talyaaniga, France & Jarmalka oo soo jeediyey talaabo cusub oo ka dhan ah Xamaas

Dowladaha Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku taliyay qorshe cusub oo cunaqabatayn lagu saarayo Xamaas.

Waxay ugu baaqeen Midowga Yurub in ay cunaqabatayn deg deg ah ku soo rogaan Xamaas iyo taageerayaashooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas ayaa si wadajir ah waxay warqad ugu qoreen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell sida ay baahhisay Wakaaladda wararka Reuters

“Waxaan si buuxda u taageersannahay soo jeedinta ah in la abuuro nidaam cunaqabatayn ku meel gaar ah oo ka dhan ah Xamaas iyo taageerayaasheeda,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Oggolaanshaha degdega ah ee nidaamkan cunaqabataynta ah ayaa noo suurtagelin doonta inaan dirno farriin siyaasadeed oo adag oo ku saabsan sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay Xamaas iyo isbaheysigayada aan la leenahay Israa’iil.” ayaa lagu yir qoraalka.

Wasiiradan ayaan marna soo hadal qaadin xasuuqa ay ciidamada Israel ku hayaan shacabka magaalada Gaza, kuwaasoo labo bilood dilay dad ka badan 17 kun oo u badan haween iyo caruur.

– Advertisement –






Previous articleNin 71-sanno jir ah oon waligiis u dhawwaan lana macaamiil wax haween ah !