Nin 71-sanno jir ah oon waligiis u dhawwaan lana macaamiil wax haween ah !

Nin 71 sanno jir ah oo ku nool qaaradda Afrika ayaa kelinimo ugu noolaa gurigiisa in ka badan nus qarni, sababta oo ah wuu ka cabsadaa inay usoo dhawaadaan ama la macaamiilo dumarka.

Callitxe Nzamwita wuxuu jiray 16 sano markii uu ogaaday inay ku badanayso cabsida xooggan oo uu ka qabo dumarka ama dhedigta oo dhan. Mana uusan u gegsan Karin inay hareerihiisa joogaan oo uu arki karo  iskaba daa inuuba la hadlee.

Ninkan wuxuu dhistay aqal ay uu ku owday deyr weyn oo qoryo ah. Mana uusan uga soo bixin bannaanka taniyo markaas. Dadka xaafadda, oo dumarka uu ka cabsado ay ku jiraan, waxay bowdka xerada uga soo ridaan wax walba oo ay ku caawin karaan sida cunnooyin, dhar iyo wixii lamid ah. In kasta oo uusan albaabkiisa ka furin dumarka, haddana wixii ay siiyaan waa ka guddoomaa.

“In kasta oo uu naga cabsado, haddana innaga un baa caawiyaa sida badan,” ayay mid kamid ah haweenkaas u sheeg AfriMax. “Marka aan rabno inaan caawinno xattaa nooma oggola inaan usoo dhawaanno – iskaba daa inuu naga furo albaabka.”

Walow aan la ogaanin nuuca xanuunka haween-naceybka ah ee ku dhacay Callitxe Nzamwita, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu qabo gynophobia oo ah xaalad dhif ah oo lala xiriiriyo baasaysiga iyo ka baqashada dumarka.

“Ma doonayo haweenku inay iga soo ag dhawaadaan waayo waan ka baqaa,” ayuu yiri 71 jirkan ugubka ama bikirka ah. “Waana sababta aan u dhistay xeyndaabkan si aysan iigu soo gelin.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –