Aston Villa Oo Arsenal Ka Diiday Dalabkii Furitaanka Ahaa Ee Ay Gunners Ka Gudbisay Saxixa Douglas Luiz.

Kooxda Aston Villa ayaa Arsenal u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Douglas Luiz.

Arsenal ayaa saacadihii ugu dambeeyay suuqa u galay saxiixa xiddig khadka dhexe kadib markii uu ay dhaawacmeen xiddigaha Elneny iyo Partey.

Gunners ayaa dalab 20 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Douglas Luiz laakiin Aston Villa ayaa isla markiiba diiday dalabka ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Laakiin Aston Villa ayaa Arsenal u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Douglas Luiz.

Aston Villa ayaa diidan in ay iibiso xiddiga khadka dhexe laakiin waxa ay diyaar u tahay hadii ay kooxda doonayso bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro xagaagan.