Nabadsugida Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

Khamiis, May, 9, 2024 (AX) – Taliska ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee lagu soo bandhigay Baydhabo ayaa tiro ahaan gaaraya 12 ruux oo ay ciidamadu kusoo qabqabteen howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.
Xubnahaan ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ay soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al-shabaab u kala qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay kooxdu ugu yeerto sakawaadka iyo kooxda Jabhadaha ee u dagaalanta Al-shabaab.
“Dhaqar-qabiyaashan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadib markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada. Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah iyo jabhada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska NISA ee Koonfur Galbeed.
Raggaan ka tirsan Al-shabaab ayaa isugu jira dhalinyaro iyo odayaal waa weyn, mana ahan markii ugu horeysay oo ay ciidanka NISA ee Koonfur Galbeed gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana soo bandhigaan.