Heshiisyada Sida Rasmiga Ah Loogu Dhawaaqay Ilaa Hataan Suuqa Xagaaga.

Waxa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxuhu dadaal ugu jiraan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxaha premier League ayaa ah kuwa ugu cad-cad saxiixyada ay samaynayaan iyada oo ay kooxaha premier League ku mashquulsanyihiin sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo cusub.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ilaa haatan la dhamaystiray isla markaas la xaqiijiyay lana soo bandhigay maanta oo ah maalinta ugu dambaysa heshiiska.

Manuel Akanji -> Ma City:

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Manuel Akanji Kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.

Man City ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixatay xiddiga kaas oo joogi doona kooxda Ilaa haatan 2027 kaan dhigay saxiixoodii 5-aad ee suuqa xagaaga.

Anton -> Man United:

Kooxda Man United ayaa soo bandhigtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Antony kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax iyaga oo ka dhigay saxiixa ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Man United ayaa xitaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Brazil diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Arsenal ee Todobaadka dambe ee premier League.

Willian -> Fulham:

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa heshiis hal sano ah u saxiixay kooxda Fulham isaga oo dib ugu soo laabtay Premier League.