Madaxweynaha Puntland oo si cad u sheegay xilliga uu magacaabayo maxkamadda sare?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la yeeshay ururrada siyaasadda oo uu kala hadlay hirgelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Kulanka madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda waxa ka maqnaa laba urur siyaasadeed oo kala ah Horseed iyo RUNCAD.

Madaxwene Siciid Deni ayaa ururrada siyaasadda u sheegay in dhammaadka bisha October ee sannadkan 2022 uu magacaabi doono maxkamadda sare uuna dhisayo maxkamadda dastuuriga ah.

Sidoo kale wuxu sheegay in dhammaan degmooyinka Puntland aan laga qaban karin qof iyo cod gaar ahaanna kuwa ka maqan gacanta Puntland.

Siciid Deni ayaa tilmaamay in tirada degmooyinka laga qaban doono doorashooyinka qof iyo cod dib laga go’aamin doono kadib markii uu kala tashado ururrada siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay hirgelinta qof iyo cod islamarkaana degmooyina harsan laga qaban doono ugu danbayn bisha June ee sannadka 2023 si ay u soo baxaan saddex xisbi oo rasmi ah.

Xogtan waxan ka helnay qaar kamid ah xubnihii ururrada siyaasadda ee ka qayb-galay kulanka madaxweynaha iyo urur siyaasadeedyada.

PUNTLAND POST