Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee wareega Group-yada tartanka koobka Africa.
Waxa la soo afjaray wareega Group-yada tartanka ka socda Ivory Coast ee maraya meesha xiisaha badan.
Kadib dhamaadka Group-yada waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee wareega Group-yada.
Xiddigaha la soo xushay ayaa lagu qiimeeyay qaab ciyaareedka cajiibka ee ay soo bandhigeen.
Xulka Morocco ayaa shaxda ku leh 4 xiddig halka xulka Senegal shaxda ku leeyahay 3 xiddig.
Xulka Equatorial Guinea ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka xulalka DR Congo iyo Angola shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.