Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay ka hortagtay weerar lagu soo qaaday Moscow

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay ka hor tagtay weerar balaaran oo dhanka cirka ah oo lagu soo qaaday magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Weerarkan oo ay ka qayb galeen ku dhowaad soddon diyaaradood ayaa la doonayey in lagu waxyeelleeyo goobo muhiima oo ku yaalla magaalada caasimadda ah balse dawladda Ruushka ayaa sheegtay in guud ahaanba la soo riday diyaaradihii duullaanka soo qaaday isla markaana aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan marka laga reebo dhismeyaal uu bur bur yari ka soo gaarey.

Maayirka magaalada Moscow Sergei Sobyanin oo qoraal kooban soo qoray weerarka ka dib ayaa shaaciyey in lagu guulaystay xakamaynta diyaaradihii weerarka waday.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo tebinaysa in duullaanka ay ka qayb galeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Ukraine kuwaas oo doonayey in ay qaab rogaal celis ah uga fal celiyaan duqaymaha uu Ruushku ka wado caasimadda Kyiv.

Waa weerarkii labaad ee muddo bil gudaheeda lagu qaado caasimadda Moscow taas oo muujinaysa baaxadda dagaalka iyo sida uu u sii fiday.

Horseed Media