Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse ayaa maanta kormeeray Kulliyadda tababarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Cali-nuur Garoowe.
Ujeedada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda Cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta dowladda Puntland oo tababar loogu diyaarinayo kulliyadda General Cali-nuur ee Magaalada Garoowe.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa ciidanka ku booriyey inay u diyaar garoobaan tababar dhammaystiran oo dhinac walba ah, kana faa’iidaystaan macalimiinta bixinaysa.
Intaas kadib, Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiis-laha ahaa ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.