Xukun adag oo lagu riday nin Al-Shabaab u qaabilsana kala gudbinta hubka iyo qaraxyada

Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray inuu Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkan.

Xuseen ayaa Al-shabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkan waxaana uu kaga biiray Gobolka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaa ku tashkiiliyay sarkaal isna u qaabilsan al-shabaab kala gudbinta hubka, tiro 3 jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxaana uu u geeyay sarkaalka shaqada u qoray.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishan aan ku jirno, waxay Maxkamadda la wadaageen cadeenta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha kooxda kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –