Ciidamada Israel oo Khasaarihii ugu badnaa loogu geystay Xerada Jabalia

Israa’iil, ayaa maalintii labaad meydadka iyo dhaawaca askarteeda ka daabulaysa xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, oo illaa saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ay ka deggeen saacadihii u dambeeyay, iyadoo xilli horaba lagu sheegay khasaarihii ugu xooggana inay halkaa kala kulantay Israa’iil.

Dhimashada ugu badan ayaa gaartay askarta Israa’iil, markii ay gudaha u galeen dhisme si dhammeystiran loogu xiray qaraxyo, oo lagu qarxiyay markii ay gudaha u galeen.

Wuxuu ahaa howlgal ay si hagaagsan ay u qorsheeyeen kooxaha Falastiiniyiinta, oo sidoo kale madaafic la eegtay ciidankii iskudayay inay u soo gurmadaan askarta la qarxiyay.

Isku dhacyada tooska ah iyo weerarrada qorsheysan ayaa sidoo kale ka dhacaya gudaha Jabalia.

Xamaas ayaa soo bandhigay muuqaallo ay ku muujinayso howlgallada ay ka fuliyeen xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, Al-Zaytoun illaa Rafah,

Hooyooyinka dhalay 600 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa war qoraal oo ay si wadajir ah usoo saareen waxay dalbadeen in si deg deg loo sameeyo waddo looga baxo dagaalka Qasa, halkaasoo askar badan saacadihii u dambeeyay looga dilay ciidanka Israa’iil.

– Advertisement –