Xukun adag oo lagu riday xubno katirsanaa Al Shabaab oo la qabtay iyaga oo dhaawac ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno xabsi ah ku riday saddex nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la qabtay iyaga oo dhaawac ah xilli ay dagaal kula jireen ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha kooxda Al Shabaab , gaar ahaan kuwa loo yaqaan jabhadaha .

Raggan ayaa ciidamada siyaabo kala duwan ugu qabtay gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanno ay ka dagaallamayeen, waxaana dagaalyahannadan markii la qabanayay ku yaalay dhaawacyo hadda laga daweeyay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow ayaa Al Shabaab kaga biiray gobolka Bakool sannadkii 2020-di, isaga oo tababar socday saddex bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor, waxaana la baray isticmaalka hubka nuucyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kaddib isaga iyo Boqol iyo Konton kale  ayaa  loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka xoogga dalka ay kula galeen deegaanka Abooreey, halkaas oo lagu qabtay isaga oo dhaawac ah.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey)  ayaa Al Shabaab isna kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday saddex bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor, waxana isna lasoo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kaddib isaga iyo 150 xubnood waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar ayaa qayb ka ahaa dagaallo ciiddanka deegaanka ay kula galeen deegaannada Afcad iyo Qorfo oo katirsan Hiiraan, halkaas oo lagu qabtay isaga oo dhaawac ah.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil) ayaa maleeshiyada Al Shabaab kaga biiray isna gobolka Bakool sannadkii 2020, waxa uu tababar socday saddex bilood ku soo qaatay duleedka degmada Bu’aalle, halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kaddib isaga iyo 115 xubnood oo Al Shabaab katirsan ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qayb ka ahaa dagaallo lala galay ciiddanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri, halkaas uu ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed , Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayna raggan mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed , Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –