Curubyo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo Kenya kaga qayb-galaya Carbis Millatari

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa hadal u jeediyay Ciidamada sida gaarka u tababaran, kuwaas oo ka qeyb gali doona Carbis Military oo lagu wado in maalinta sabtida ah lagu qabto dalka Kenya.

“Carbiska ka dib waxaa abaal-marinno la guddoonsiin doonaa ka qeyb galayaasha, abaal-marinahaas oo isugu jira mid maaddi iyo ammaan ah ayaa dalka macno weyn u leh.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa kula dar daarmay ciidamada ka qeyb qaadanaya Carbiska Milatari in ay tusaale u noqdaan sharafta iyo karaamada Qaranka iyo Ciidanka Soomaaliyeed.

“Waxa la iska rabo markaa halkaas tagtaan waa adkeysi, dulqaad, iyo Akhlaaq, iyo inaa la dhihin ciidamada Soomaaliya ma helin tababar ku filan”. Ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST