Xubno ka soo goostay Al-shabaab oo iska dhiibay Koonfur Galbeed (Daawo Sawirro)

Ila 8 Xubnood oo ka soo goostay kooxda Al shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Raggan ayaa isku soo dhiibay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah al shabaab ee dalka ka socda.

Lama faahfaahin darajooyinka raggan iyo howlaha ay u u qaban jireen Al shabaab, marka laga soo tago iney kooxdaas ka tirsanaayeen.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya Al shabaab ee isku soo dhiibay dowladda iyo Maamulada xubnaha ka ah

Labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada  iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

– Advertisement –






Previous articleGuddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Guud