Xubnaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland oo maanta waayi doona codka Kalsoonida

Fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka ayaa lagu wadaa in la hor keeno mas’uuliyiinta xasaanad-siinta u baahan.

Inta badan xildhibaannada Baarlamanka ayaa diiddan ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xogo hoose ayaa sheegaya in xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah aysan heli doonin codka Kalsoonida Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sheegaya in dhammaystirka Maxkamadda Dastuuriga ah loo maray sifo aan Dastuurka waafaqsanayn.

Dhinaca kale Baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan xubnaha wasiirada magacaaban oo saaka hor imaan doona.

PUNTLAND POST