Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Beerxaano iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus ku qaaday deegaanka Beerxaano ee kuyaalla koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Beerxaano oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baledweyne.

Dagaal culus oo saacado socday ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaano, waxaana wararku sheegayaan in Al Shabaab gudaha u galeen deegaanka ay saacado kula dagaalamayeen ciidankii halkaasi joogay.

Saraakiisha ciidanka ee joogay deegaanka Beerxaano ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ay dib u caawiyeen Al Shabaab ayna kusii daba jiraan firxadkooda.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga ayaa dhoor mar weeraro kusoo qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan fariisimo ay ku leeyihiin deegaano dhaca koonfurta magaalada Baledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleGo’aano ka soo baxay dowlada Mareykanka iyo Somaliland oo soo dhoweysay