Xildhibaanno diyaarinaya Mooshin ka dhan ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in xildhibaanno katirsan golaha wakiillada maamulka Puntland diyaarinayaan mooshin ka dhan ah maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaannada ayaa ka carreysan go’aankii shalay kasoo baxay maxkamadda ee lagu laalay muddo kororsi hal sanno ah oo sameesteen xildhibaannada, kuwaa oo mar kale doonayay in iyagu doortaan madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Sida aan xogta ku helnay in ka badan 30 xildhibaan ayaa diyaarinaya mooshinka ka dhanka ah maxkamadda dastuuriga, kuwaa oo si cad u diidan go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu laalay muddo kororsiga baarlamaanka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawwaan aqbalay in doorashada Puntland ku dhacdo nidaamkii hore uu diidanaa, waxuusa Deni diidan yahay in xildhibaannada hadda joogo wax doortaan, isaga oo dalbaday in xildhibaanno cusub lasoo xulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladaha Soomaaliya oo taageero dhinacyo kala duwan leh ka raadineysa Canada