Haween jirdil u geestay muuqaalna ka duubay nin ay ballamiyeen oo Muqdisho lagu xiray

Waxaa shalay baraha bulshada si weyn ugu baahay muuqaalka saddex haween ah oo guri kuyaalla magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari ku jir dilaya nin dhallinyaro ah oo gurigaasi lagu ballamiyay.

Mid kamid ah haweenka jirdilka geestay ayaa la sheegay in xiriir kala dhaxeeyay ninka dhallinyarada ah kuna ballamisay guriga, waxaana ninka markii uu guriga tagay ku dhacay shirqool ay haweenkan u qooleen.

Haweenkan ayaana jirdil xooggan ku bilaabay ninka dhallinyarada ah kaddibna muuqaal ka duubay iyaga oo garaacaya, waxa uuna muuqaalkan oo si weyn ugu baahay baraha bulshada dhaliyay carro badan.

Booliisla gobolka Banaadir gaar ahaan kan saldhigga degmada Waabari ayaa durba howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay haweenka jirdilka geestay, kuwaa oo xalay ku hoysay saldhigga degmada Waabari .

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in booliiska gacanta ku hayaan haweenka jirdilka geestay ayna ku socdaan baaris, waxa ayna booliiska xuseen in haweenkaasi la horgeyn doono maxkamad si caddaaladda loo horgeeyo.

Dhacdooyinka ragga inta dumarka ballamiyaan haddana garaacayaan iyaga oo muuqaal ka duubaya ayaa kusoo badanaya gudaha Soomaaliya, dhacdooyin nuucaan ah ayaana horey uga dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –