Xiisad ka taagan dhulkii dab demiska & Booliska DF oo digniin soo saaray

Ciidanka Booliska Somalia ayaa digniin kama dambeys ah siiyey shacabka degan xerada dab damiska ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay iney halkaas uga guuraan oo ku eg 20ka bishan oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayaa lagu wargeliyey dadkaas iney baneeyaan dhulkaas si loogu adeego shacabka.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Mar Sedaxaad Ku wargilinayaa Dadka Degan Xerada Dabdamiska Boliiska Soomaaliyeed in uu dhamaadey Wakhtigii loo qabtey in ay ku baneeyaan, Hadaba Qofkasta oo degan Xeradaas Waxaan Ku Wargilinaynaa in ay Muqadas Tahay Baneynta Xerada Dabdamiska Maalinta ay Taariikhda Tahay 20 April 2024 Si loo dhiso xarunta dabdamiska Boliiska Soomaliyeed Bulshadana ay u hesho Xarun Dabdamis oo Buuxisa baahida hada jirta’ ayaa lagu yiri qoraalka.

Shacabka degan dhulkaas ayaa ku gacan seyray iney ka guuraan iyagoo ku andacoonaya iney halkaas degenaayeen muddo ka badan 30 sano, aysana garaneyn meel kale oo ay gaadaan, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas la arkayey iyagoo baraha bulshada ka aflagaadeynaya madaxda Qaranka.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Habar gidir oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dowlada uga digay iney barakiciso dadka halkaas ku nool, iyagoo sheegay iney beel ahaan isku difaaci doonaan hadii talaabadaas lagu dhaqaaqo.

– Advertisement –






Previous articleCiidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo qabtay kuwo kale (Sawirro)