Mareykanka oo markale codka VETO ku horjoogsaday Aqoonsiga Falastiin

Published: April 19, 2024

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay cod u qaaday qaraar ay soo diyaarisay Dowlada Aljeeriya oo lagu doonayey in si rasmi ah loo aqoonsdo dalka Falastiin.

Qaraarkan ayaa waxaa taageeray 12 wadan ee dalalka Xubnaha ka ah Golaha Amaanka oo ah aqlabiyada, marka laga reebo Mareykanka oo codkiisa (Veto) ku diiday aqoonsiga Wadanka Falastiin, halka ay ka aamuseen UK iyo Switserland.

Sannadkii 2011-kii, ayey Falastiin sidan oo kale codsatay inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay. Waxaana horjoogsaday Mareykanka.

Ergeyga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour ayaa ku dhawaaqay 2-dii Abriil inuu warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uu ku codsanayo in codsigooda xubinimadooda dib loo eego.

3-dii Abriil, Guterres wuxuu warqad u qoray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo ku baaqaya in la tixgeliyo codsiga Falastiin.

Hannaanka lagu qaabilo xubnaha cusub ee Qaramada Midoobay ayaa ka billowda golaha ammaanka. Falanqaynta ka dib, goluhu wuxuu kadib arrinta u gudbiyaan Guddida Qabanqaabada Xubnaha Cusub.

Haddii ay guddigu aqbalaan, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa in uu u codeeyaa, hadii xubnaha joogtada ahi aysan isticmaalin awoodooda diidmada qayaxan, ugu yaraan 9 kamid ah 15-ka xubnoodna ay u codeeyaan wuxuu noqonayaa ansax.

Haddii goluhu ansixiyo, waxaa arrinta loo gudbinayaa golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Oggolaanshaha xubinimada 193-da xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay u baahan tahay saddex-meelood laba meel cod aqlabiyad ah.

Falastiin ayaa heysta taageerada Aqlabiyada Golaha Loo Dhan yahay balse caqabad mar walba hortaagan ayaa ahaa Golaha Amaanka oo uu mar walba dalka Mareykanka codkiisa VETO ku horjoogsado aqoonsiga Falastiin, iyagoo ku xira in arrintan ay ku timaado wadahadal marka hore dhexmara Falastiin iyo Israel.

Laga soo bilaabo 1974-kii, Falastiin waxa ay UN-ta uga qayb qaadanaysay goobjooge ahaan.

Horseed Media