XASAASI: Xiddigaha Man United Oo La Sumeeyay?

Ilaa 12 ciyaaryahan oo Manchester United ah ayaa muujiyay calaamado cunno ku sumoobay ka dib guushii Europa League ee Sheriff Tiraspol, sida lagu sheegayaan wararku.

Kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen kooxda Real Sociedad, kooxda Erik ten Hag ayaa ku soo laabtay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Sheriff.

Tababare Erik Ten Hag ayaa kulanka ku soo galay shax adag maadama ayna wax kulamo ah ciyaarin bilowgii todobaadkii hore sabab la xidhiidha dhimashada boqorada England.

Baajintii la baajiyay kulankii Leeds ayaa war fiican uahaa kooxda Man United maadama xiddigaha Man United laga helay sun cuntadooda sida laga soo xigtay The Sun.

Xiddigaha ayaa muujiyay calaamado xanuun maalintii jimcihii kadib markii ay ka soo laabteen kulanka Europa League iyada oo 12 xiddig oo kooxda ka tirsan laga helay sunta.

Kooxda Man United ayaa haatan ka shaqaynaysa in ay ogaato sababta keentay dhacdadan waxana ay wadaan baadhitaano ay ku ogaanayso arinta ku dhacday xiddigaha kooxda.