Baarlamanka Puntland oo u yeeray guddiyo loo xil-saaray arrimaha garsoorka iyo xukuumadda

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maanta u yeeray guddiyadii loo xil-saaray arrimaha garsoorka iyo la-xisaabtanka xukuumadda.

Labada guddi ayaa laga sugaya in ay Baarlamanka u soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan arrinta maxkamadda sare iyo xog ururinta la xiriirta la-xisaabtankii xukuumadda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu weli furan yahay kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland kadib markii wakhti dheeri ah lagu daray.

Baarlamanka ayaa horay laba jeer u diiday xubnaha maxkamadda sare oo uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST