Wasiirka Warshadaha oo kormeer ku tagey Warshadaha Muwaadiintu ka hirgeliyeen magaalada Berbera

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa kormeer hawleed ugu baxay qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland, waxaana safarkiisa ku wehelinayay agaasimaha Waaxda Warshadaha ee wasaaraddaasi  Cabdalle Maxamuud Sheekh Cabdillaahi, agaasimaha Waaxda ka Caagan Cashuuraha  Sakariye Maxamed Axmed iyo agaasime ku xigeenka waaxda maalgashiga Marwo Hanna Maxamed Yaasiin

Wasiir Cabdirisaaq ayaa kormeerkiisa ka bilaabay gobolka Saaxil, waxaanu kulan la yeeshay masuuliyiinta iyo maamulka gobolka Saaxil, iyaga oo wasiirka uga mahadnaqay booqashadiisa.

Ujeeddada kormeerka wasiirka ayaa ahayd xog ogaal u noqoshada wershadaha, awoodooda wax-soo-saar iyo maalgelineed, isaga oo soo indho-indheeyay qaabka ay u shaqeeyaan wershadahaasi, waxaanu kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxdii iyo masuuliyiintii wershadahaasi, waxaaney warbixinno ka siiyeen adeegyada ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Geesta kale wasiirka ayaa masuuliyiinta wershadihii uu la kulmay ku bogaadiyay dedaalka iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, waxaanu faray in ay juhdigooda sii laban laabaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu soo maray  warshadaha kala ah Horn Cemet oo soosaarta sibidhka  iyo Somtuna oo soo saarta Kalluunka dalka.

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu kormeeray shan warshadood uu maalgeliyay ganacsadaha weyn ee Oomaar, warshadahaasi ayaa kala ahaa warshada Jiingada iyo masaabiirta, warshada saliida, warshada jayga, warshada daqiiqda, warshada saliida iyo warshadaha haamaha shidaalka.