Kenya oo shaacisay in ay Soomaaliya la galayso heshiis dhoofinta Qaadka ah

Kenya ayaa ku dhawaaqday toddobaadka koowaad ee bisha May in ay Soomaaliya la galayso heshiis rasmi ah oo la xiriira arrimaha qaadka.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in heshiiskaasi u galayso, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya, Mithika Linturi oo arrintan shaaciyay, wuxuu intaa ku daray  in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru.

Heshiiskaasi ay Kenya sheegtay inay la galayso Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii u dambeeyay uu hareeyey khilaaf la xiriira dhinaca canshuurka ganacsiga qaad ee ay Kenya maalin walba u dhoofiso Soomaaliya.

PUNTLAND POST