Wasiir Habbane Oo Furay Shirka Billaha Ah Ee Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha Wada-shaqayntu Ka Dhaxayso

Hargeysa -(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda H. Beeraha JSL Axmed Maxamed Habbane, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka furay Shirka Billaha ah ee Wasaaradda iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin.

Shirkan oo bil walba hal mar la qabto, si ay wax la iskaga waydiiyo Mashaariicda ay socda ee Wasaaraddu ku maamusho Hay’adaha isla-markaana ay soo qaban-qaabiso Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa furitaankiisii goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha guud Aadan Cabdillaahi Sheekh iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradsa Beeraha JSL Cabdiqani Gallaydh, waxaanu faahfaahiyey ujeeddada loo qabto shirkan billaha ah, isagoo sheegay in loogu talo-galay in wax la jskaga waydiiyo hawlaha horumarineed ee ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeeyihiin.

Wuxuu sheegay in shirkani muhiim u yahay la socodka iyo ka war-haynta hawlaha muhiimka ah ee la xidhiidha horumarinta Wax soo-saarka Beeraha.

Wasiir ku-xigeenka Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac iyo Agaasimaha guud ee Wasaadadda Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Madaxda Hay’adaha Wasaaradda la shaqeeya ee shirka ka soo qayb-galay.

Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha, ayaa soo bandhigay guulaha laga gaadhay wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay ee dalka ku sugan, iyagoo dhanka kale bixiyey tilmaamo iyo Tusaaleyaal ku aaddan habka wada-shaqaynta, fulinta waajibaadka Hay’adaha ee Wasaaraddu ku kormeerayso.

Gebogabadii, waxa shirka furay Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL Axmed Maxamed Habbane, isagoo sheegay in shirarka noocan ahi muhiim u yihiin hawl-qabadka iyo hore u wadka dedaallada lagu horumarinayo Beeraha iyo Beeralayda Somaliland.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in la sii xoojinayo wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Hay’adaha dalka ku sugan, si la iskaga kaashado horumarinta bulshada JSL, gaar ahaan Beeralayda oo Wasaaraddu Qaranka u xil-saaran tahay.

Si gaar ah, shirka waxa lagu soo bandhigay xog-ururin laga sameeyay Beero ku yaalla gobollada dalka qaarkood oo waxyeelo ka soo gaadhay Roobabkii dalka ka da’ay iyo Ayaxa ka dilaacay xeebaha Somaliland.

Sidii looga hor-tagi lahaa Ayaxa, waxna looga qaban lahaa Beeraha waxyeeladu ka soo gaadhay Roobabla, ayaa waxa loo saaray guddi, kuwaasi oo loo xil-saaray arrimahaasi.