Salaxley: Saddex qof oo ku dhintay Shil Gaadhi

Alle ha u naxariistee 3 qof ayaan ku dhintay 6 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Sallaxley iyo Banka Qool- cadey.

Sida uu Wakaalada wararka Somaliland ee Solna u xaqiijiyay Agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada dawladda hoose ee degmada Sallaxley Khadar Gaas, Shilkan ayaa waxa sababay laba gaadhi oo isku dhacay kuwaas oo kala ahaa Dhayne iyo Land cruiser.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laanta nabad-gelyada Waddooyinka oo la xidhiidha Shilkan.





Previous articleMadaxweynaha oo Xil ka Qaadis iyo Magacaabis ku Sameeyay Xubno ka Mid ah Golahiisa Wasiirada
Next articleWasiir Habbane Oo Furay Shirka Billaha Ah Ee Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha Wada-shaqayntu Ka Dhaxayso