Booliska SSC-Khaatumo oo ka warbixiyey iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay magaalada Laascaano.

Taliska Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa ka warbixiyey warbixiyey israsasaynta xalay magaalada Laascaano ku dhex martay ciidan samaynayey hawlgal kooxa hubysan oo sababay khasaaare dhimasho iyo dhaawac isugujira.

1 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay midkalana waa ku dhaawacmay israsaasaynta dhex martay booliska iyo kooxda hubaysan sida uu warbaahinta la wadaagay taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo.

Taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Sareeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray ciidanka oo howlgal samaynaya ay isku dhaceen koox hubaysan isagoo intaa ku daray inay baaritaan wadaan.

Ciidanka Xasilinta SSC ayaa xalay hawlgalo amniga lagu sugayo ka ka bilaabay magaalada Laascaano waxaana qofka shacabka ah ee dhintay iyo kan dhaawacmay ay xabadu ugu tagtay goobtii ay ku sugnaayeen.

PUNTLAND POST.