Wariye katirsanaa Telefishinka Qaranka oo la dilay iyo dowladda oo ka hadashay

Allaha u naxariistee magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay wariyihii magaaladaasi telefishinka iyo idaacada Qaranka Soomaaliya uga soo warami jiray Cabdikariin Axmed Bulxan .

Sida aan wararka ku helnay wariyaha waxaa rasaas huwiyay askari waardiye ka ahaa xarunta agoonta lagu xanaaneeyo oo kutaalla magaalada Caabudwaaq, waxaana la sheegay dhaawac culus oo soo gaaray wariyaha in uu u geetiyooday.

Wariyaha la dilay ee Cabdikariin Axmed Bulxan ayaa sidoo kale la sheegay in uu madax ka ahaa xarunta agoonta lagu xaneeneeyo ee kutaalla magaalada Caabudwaaq, waxa ayna geeridiisa noqotay mid dad badan ka naxeen.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan , mana bixin wasaaradda faah faahin kale oo ku aadan dilka wariyaha iyo sida uu u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –