Itoobiya oo sheegtay in aanay Awood Dibadeed uga waabanayn heshiiska sharciga ah ee ay la Gashay Somaliland

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya ee dhawaan la magacaabay Taye-Atske Selassie ayaa sheegay in rabitaanka sharciga ah ee  Itoobiya ee ay ku doonayso inay marin u hesho badda cas aanay uga waabanayn awood dibedeed.

 

Isagoo wasiirku la hadlaya warbaahinta gudaha dalkiisa, wuxuu intaa ku daray in ay tahay arrin ku xidhan amniga qaranka iyo deganaanshaha Itoobiya.

 

Wasiirka ayaa  tilmamay in bulshada caalamku hadda si fiican uga war hayso rabitaanka Itoobbiya ee ay ku doonayso marin ay u hesho badda cas, kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadeen Lixdii bilood ee u danbeeyay, isla markaan rabitaankoodu yahay mid sharci ah.

 

Wasiirka ayaa sheegay in doonitaanka Itoobiya ee Marin-u-helidda baddu aanu ka soo horjeedin xaqiiqooyinka dhabta ah, taa awgeedna aanay dhibbane u noqon doonin culaysyada gudaha ee dalal kale.

 

Mr. Taye-Atske Selassie ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Itoobbiya diyaar ugu tahay in wada hadallo dheeraad ah ka gasho heshiiska is-fahan ee ay la gashay Somaliland iyo waliba dhaamka weyn ee GERD.  Taariikhda Itoobiya kuma jirto in wax naloo yeedhiyay aanu aqballo, balse arrimaha qaarkood wada hadal ayaanu ka gali karnaa , iyada oo labada dhinacba faa’idayaan, ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Itoobiya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Previous articleWasaaradda Qorshaynta JSL oo Kulamo la Yeelatay Daneeyayaasha Somaliland ka Taageera dhinaca Horumarka