Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa si adag u cambaareeyay dilalka qorshaysan iyo kuwa muuqda ee lagu hayo shaccabka magaalada Laascaanood.

“Urur Siyaasadeedka Mustaqbal waxa uu si kulul u canbaaraynayaa, falalka arxandaradda ah ee si isdabajoog ah har iyo habeen loogu gaysanayo shacabka iyo Haldoorka magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray ururka.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa arrintaas ku tilmaamay danbiyo iyo xad-gudubyo ka dhan ah banii’aadanimada waxaana uu tacsi u diray dhammaan dadkii falalkaas ku waxyeelloobay.

Sidoo kale Gen. Asad Cismaan Diyaano oo kamid ah urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntlane ayaa si kulul u cambaareeyay falalka dooxatada ah ee lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Sool.

“Waxaan si weyn u cambaaraynayaa falalka dhiig-dooxatada ah ee loo gaysanayo haldoorkii Magaalada Laascaanood” ayuu yiri Jeneraal Asad.

Cambaareyntan ayaa ku soo beegmay xilli shalay ciidamada Somaliland ay rasaas la dhaceen dad rayid ah oo muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay falkaas waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 qof oo kale.

Shacabka ayaa ka muddaharaadayay dilalka qorshaysan ee ka socda magaalada Laascaanood kuwaas oo lagu beegsanayo haldoorka islamarkaana aysan jirin cid loo qabto.

PUNTLAND POST