Puntland: Al-shabaab iyo Somaliland waxay isku yihiin hal hay’ad

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay hal hay’ad isku yihiin Al-shabaab iyo Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Somaliland  ay ku midaysan yihiin laynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka Reer Laascaanood waxaana uu dilalkaas ku eedeeyay Somaliland.

” Hal hay’ad ayay isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay dadkii rayidka ahaa ee shalay ciidamada Somaliland ku laayeen magaalada Laascaanood kadib muddaharaad halkaas ka dhacay.

PUNTLAND POST