War Deg Deg Ah: Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo goordhaw geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaalla dalka Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Arrimaha Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo Jabuuti xanuun kula soo booday.

Masuuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ehelkeeda ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay geeriyootay Wasiir Khadiija Diiriye, waxaana geerideeda si weyn uga naxay madax iyo shacab badan oo si weyn u yaqaanay.

Khadiija Diiriye ayaa soo aheyd in ka badan 23-sanno xildhibaan katirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale wasiir kasoo noqotay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleRa’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)