Malaysia oo dekadaheeda ka mamnuucaday maraakiibta wata calanka Israa’iil

Published: December 20, 2023

Malaysia waxay mamnuucday maraakiibta xamuulka qaada ee wata calanka Israa’iil inay ku soo xirtaan dekedaheeda, taasoo jawaab u ah ficillada Israa’iil ee Qaza, oo ay ku sheegtay inay xadgudub ku tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee bini’aadantinimada.

Dhammaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil ayaa sidoo kale laga mamnuuci doonaa in ay shixnad ku rartaan dekedaha uu leeyahay dalkan Muslimka ah. Malaysiya wax xidhiidh dublamaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Israa’iil waxana kooxaha ku jira dawladdu ay ku cadaadinayeen dawladda in ay dhaqangeliso xayiraadda.

War qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayuu ku sheegay in isla markiiba lagala noqday ogolaanshiyaha shirkadda ugu weyn ee maraakiibta ee Israa’iil ee ZIM in ay isticmaasho dekedaha Malaysia.

Wuxuu yiri: “Cunaqabateyntan waxay jawaab u tahay ficillada Israa’iil ee iska indha tiraya mabaadi’da bini’aadantinimada ee aasaasiga ah, kuna xad-gudbaya sharciga caalamiga ah iyada oo loo marayo xasuuqa joogtada ah iyo naxariis-darrada ka dhanka ah Falastiiniyiinta.”

Horseed Media