Villa Somalia oo ka warbixisay safar uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu ambabaxay Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas uga qaybgalaya shirka 77-aad ee golaha loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo socon doona ilaa 27 bishan.

Qoraal la soo baxay Villa Somalia oo looga warbixisay safarka Madaxweyne Xasan ayaa lagu yiri “Meertadan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay”.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka” ayaa la raaciyay.

Villa Somalia waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Xasan uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalaya shirka.

PUNTLAND POST