UK iyo Jarmalka oo ku baaqayaan ‘xabad joojin waarta’ ee Gaza

Published: December 17, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda ee UK David Cameron iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ayaa ku sheegay baahida loo qabo “xabad-joojin waarta” oo ka dhacda Gaza maqaal wadajir ah oo lagu daabacay maanta jariirada Sunday Times.

Labada wasiir ayaa ku qoray maqaal ay si wadajir ah u soo saareen Sunday Times in “dad badan oo rayid ah lagu dilay iskahorimaadka, waxayna sare u qaadeen cadaadiska Israel si ay u soo afjarto howlgalkeeda.

“Waa inaan sameynaa wax walba oo aan awoodno si aan ugu gogol xaarno xabad joojin waarta, taasoo horseedeysa nabad waarta, baahidu waa degdeg,” ayay qoreen.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa habeenimadii Talaadada si aqlabiyad ah u dalbaday xabad joojin laga sameeyo Gaza, balse UK way ka aamustay.