Mareykanka oo duqeyn la beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, waxaana sarkaalka la beegsadey oo aan magaciisa la sheegin uu u qaabilsanaa al-shabaab abaabulka dagaallada.

“Waa tallaabo kale oo DFS oo kaashaneya Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba” ayaa lagu yiri war ka soo baxay DF

Laguma sheegin warka khasaaraha ka dhashay howlgalkaas iyo in la dilay iyo in kale sarkaalka la weeraray

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka DF.

– Advertisement –






Previous articleMareykanka oo bur buriyay diyaarad sahay iyo qalab u siday kooxda PMC Wagner