Ugu yaraan Toban qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Canada

Laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi ayaa ka dhacay gobolka Saskatchewan ee dalka Canada, waxaana ku dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.

Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.

Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay. Eedeysanayaasha ayay ku boorisay inay isa soo dhiibaan.

Horseed Media