Maxkamadda Sare ee Kenya oo Maanta Soo Afjaraysa Muranka Doorashada Madaxweynaha

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta oo isniin ah gelinka danbe ku dhawaaqeysa go’aankeeda natiijadii doorshada Madaxweynaha Kenya ee la qabtey 9 Ogoosto.

Raila Odinga oo markii shanaad u tartamey Madaxweynaha Kenya iyo isbahaysigiisa ayaa dacwad ka keenay guusha Dr. Ruto oo ku soo baxay doorashada sida uu ku dhawaaqey guddoomiyaha guddiga doorashada.

Haddaba haddii maxkamadda sare ay go’aamiso in doorashada dib loogu noqdo muddo 60 maalmood ah gudahood ayey nolol cusub gelineysaa Raila Odinga oo khasaaro badan u soo taagnaa, in uu noqdo Madaxweynaha shanaad ee Kenya, sidoo kale waxaa fursad labaad helaya Ruto. Haddii maxkamaddu xukunto guusha Ruto, waa dhamaadka siyaasadda Raila Odinga.

Doorasho kasta oo ka dhacdey Kenya tan iyo sanadkii 2007 ayaa ahayd mid si weyn loogu murmey, waxaana tan iyo sanadkaas dacwad ka keenaayey Raila Odinga oo ahaa musharaxa laga guuleystey 2007, 2012, 2017 iyo tii ugu danbeysey.

Waxaa cabsi laga qabaa kadib go’aanka maxkamadda in ay dalka ka dhacaan rabshado, inkasta oo dadka Kiinya ay khibrad fiican u lee yihiin arinkaas soona tijaabiyeen dhibaatadii ka dhacdey kadib markii dad ka abdan 1000 qof ay ku dhimatey rabshadihii 2007.

Horseed media