Tirada guud ee Shacabka Falastiin ay laayeen Ciidamada Israel oo la shaaciyay

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa tirada khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhalanaya duqeymaha iyo howlgallada ciidamada Isreal ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Xamaas ayaa sheegtay in 34,789 kun oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen weerarada iyo duqeymaha ciidamada Israel ka geesanayaan magaalada Gaza iyo deegaannada kale ee ku hareereysan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in dad gaaraya 78,204 oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka Isreal, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Dadkan ay dileen ciidamada Isreal ayaa 54 qof kamid ah la sheegay in la dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay , waxaana saacadbo saacada kasii dambeysa sii kordhaya tirada dadka ay leynayaan ciidamada Isreal.

Tirada dadka ay leenayaan ciidamada Isreal ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan , haddii ciidamada Yahuuda bilaabaan howlgalo cusub ay qorsheenayaan in ay ka fuliyaan magaalada Rafax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah (Daawo Sawirro)