Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe oo qiyaastii 30km dhinaca  waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Taliyaha ayaa lagu dilay qarax miino oo lala beegsaday baabuur uu saarnaa sida ay xaqijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Marxuum Farxaan Qaroole Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada Al-shabaab looga saarayo Gobollada shabeelooyinka gaar ahaanna Degaanka Basra ee Gobolka Shabeellada dhexe.

PUNTLAND POST