DF oo War ka soo saartay howlgalkii saaka ka dhacay degaanka Basra (Akhriso)

Dowlada Somalia ayaa War ka soo saartay howlgal saaka waaberigii ciidamada dowlada ka fuliyeen deegaanka Basro oo isku xira Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka

“Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ayaa argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab looga saaray deegaanka Basra iyo tuulooyinka hoos yimaada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Deegaanada lagala wareegay Al-shabaab oo gaaraya 9 ayaa ku teedsan wabiga Shabeelle ayaa kala ah: 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey.

Waxaa howlgalkan ku dhintay Gen. Farxan Max’uud Aadan (Qaroole) Taliyihii qeybta Booliska gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

– Advertisement –






Previous articleDEG DEG: Taliyihii Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax lagu dilay