Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis dhanka difaaca ah

Wasiirada Gaashaandhigga ee Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca gaashaandhigga iyo dhaqaalaha, kaasi oo lagu sii horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadddan iyo degenaanshiyaha gobolka.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Turkiga, Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga ayaa magaalada Ankara ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Labada mas’uul ayaa munaasabad ka dhacday saldhig militari ku kala saxiixday heshiiskan Khamiistii, kadib wadahadallo ay ka yeesheen xaladda gobolka Geeska Africa.

Labada mas’uul ayaa munaasabad ka dhacday saldhig militari ku kala saxiixday heshiiskan, kadib wadahadallo ay ka yeesheen xaaladda gobolka Geeska Africa.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin heshiiska, iyo waxa uu kaga duwan yahay iskaashigii military ee dhaqaale ee horey uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST