Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho shir kula yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan amniga iyo la dagaallanka argagixisada sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya, waxaana uu amaanay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda Soomaaliya dadaalada ay ugu jirto xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

PUNTLAND POST