Sidee Xamaas u isticmaashaa hubka Israa’iil, muxuuse yahay hubka cusub ee ay heleen

Tan iyo markii Xamaas ay weerarka ku qaadday Israa’iil bishii Oktoobar, waxk asta oo bambooyin noocyadooda kala duwan ayey ciidamada Israa’iil ee dhulka, cirka iyo badduba isticmaleen.

Inta uu socday weerarkan, Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaalo kala duwan oo ay ka mid yihiin ciidamo xoojin ah oo ay ka mid yihiin hub leh awood sare oo aan caadi ahayn oo lagu arkay dagaalyahannadooda.

Kooxda xaqiiqa raadiska ee BBC-da ayaa kormeeray afar nooc oo hub awood leh oo cusub kaas oo ay Xamaas ku sheegay in la adeegsaday weerarkii 7-dii Oktoobar, iyo ilaa hadda dagaallo dhulka oo ay ciidamada Israa’iil ku galeen gudaha marinka Qasa. Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay inta ay le,eg tahay awoodda Xamaas.

XIGASHADA SAWIRKA,THE PALESTINIAN INFORMATION CENTER

Hubka caanka ee Xamaas adeegsatay.

Hubka garbaha laga tuuro ee lidka taangiyada ee Xamaas ay inta ugu badan adeegsatay waa nooca ay ugu yeeraan Al-Yassin 105, kaas oo lagu arkay muuqaallada dagaalyahannada kooxda.

Hubkan waxaa loogu magac daray Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa asaasihii ururka Xamaas oo ay Israa’iil ku khaarajisay magaalada Qasa sanadkii 2004-tii.

Sarreeye Guuto Samir Ragheb oo ah Khabiir dhinaca Millateriga ah, isla markaana ah Madaxa Hay’adda Carbeed ee Daraasaadka Istiraatijiyadda, ayaa rumeysan in qoriga Al-Yaasiin 105 ay ku jirto adeegsigeeda, maadaama xubnaha Xamaas looga bartay inay si xirfadeysan u adeegsadaan si ay u beegsadaan meelaha jilicsan ee gaadiidka gaashaaman. iyo rasaasta ay wataan, taasoo keentay in ay qaraxdo.

Cadadka waxtarka leh ee gantaalka Al-Yaasiin 105 ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 150 ilaa 500 mitir, xawaarihiisa ugu badanina waa 300 mitir ilbiriqsikiiba, sida ku cad muuqaal ay daabaceen guutada Al-Qassam, sidoo kale waxaa arintaa xaqijiyey Philip Ingram oo hore u ahaan jiray. Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Britain.

Wargaysyada arrimaha milateriga ka faallooda qaarkood waxay qorayaan in hubkan ay qiyaastii 2000 oo xabbo ka haystaan.

Fiidiyow ay xamaas sii deysay dabayaaqadii bishii Oktoobar ee sannadkan, BBCna ay xaqiijisay inuu yahay fiidiyow dhawaan la sii daayey ayaa lagu arkay Gantaallada Storped Torpedo oo la sheegay in loo isticmaalay weerarkii 7 Oktoobar, uuna ahaa hub guryaha lagu sameyey.

Baaritaan ay khubarada hubka ku sameeyeen qaybaha uu hubkaas ka koobnaa ayaa lagu ogaaday inuu yahay mid meel fog laga hago, looguna tala galay inuu biyaha hoostooda ka falgalo ayadoo aysan cidina saarnayn.

Fikraddaas waxaa isagana la qaba Jeneral Yasir Hashim oo ka tirsan milateriga Masar. “Hubkan waa mid sahlan oo biyaha quusi kara ayadoo aysan cidi saarnayn. Waxaa loo isticmaalaa siyaabo kala duwan biyaha hoostooda, waxaana ka mid ah in uu sawirro ka soo qaado, xuuraanka, waxyaabaha baddu liqdo iyo inuu la socdo bii’ada. Waxaa kaloo loo isticmaalo karaa arrimaha milateriga” ayuu yidhi.

Jeneral Samir Ragheb oo ah khabiir milateri, ahna madaxa hay’adda carbeed ee daraasaadka istaraatijiga ah ayaa xaqiijiyey in hubkan gudaha lagu sameeyey, waxyaabaha uu ka kooban yahayna laga kala keenay waxyaabo aan mamnuuc ahayn.

Qolofta kore ayaa laga keenay dhuumaha gaaska la shito, qaybaha uu injiinka ka kooban yahayna waxaa laga soo furay waxyaabo laga helo matoorrada gawaarida, iyo kaamaro la mid ah nooca GoPro. Anteenooyinka ku xiran ayaa ah kuwa ku rakiban nooc kasta oo dayaaradaha bilaa duuliyaha ah.

Hub kale oo aad indhaha u soo jiitay, laguna arkay Xamaas waa qoriga baasuukaha ee F7 RPG, kaasoo caan ku ah xarriiqda guduudan ee uu gumuca ku leeyahay. BBC waxay xaqiijisay sax ahaanshaha dhowr fiidiyow oo uu ka soo muuqday qorigan oo ay Xamaas sitaan, iyo sidoo kale isku dhacyo ay baahiyeen garabka miilateri ee guutada Al Qassam.

Sida uu sheegayo Philip Ingram oo ah sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka milateriga Britain, fiidiyowyadaas qaarkood waxaa ka muuqada in Xamaas ay beddeleen saalbooyinka lidka taangiyada, kuwaasoo ay ku dhex jiraan firir badan, loona adeegsan karo ciidanka lugta.

Marka la eego xaddiga waxyaabaha qarxa ee ay Xamaas ka heshay hawlgalka ciidanka Israa’iil ee Marinka Qasa wuxuu muujinayaa, inay hubkaas haraadiga ah hub kala soo bixi karto Xamaas, waxaase loo baahan yahay si hubkaas lo sameeyo xarun farsamo oo lagu sameeyo iyo khibrad.

Khatarta ay Israa’iil u leeyihiin ayaa ah sida uu sheegayo Jeneraal Yasir Hashim ayadoo hubkaas miino ahaan loogu aasi karo gaadiidka dagaalka iyo askarta Israa’iil, meel fogna laga qarxin karo.

Xamaas hore waxay u sheegtay qalab badan oo haraadiga hubkaas ay ka samaysay, kaasoo guutada Al Qassam ay ku dhex farsamaynaysay Qasa tan iyo billowgii kacdoonki labaad ee Intifaada